|
|
|
|
|
![]() Golaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Dheer Oo Ay Ku Cadeeynayaan Moowqifkooda Siyaasadeed Golaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa go’aan ka gaarista xubnaha ka tirsan ee ka qeybgalaya wada hadalada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay waxaa codka mudug loo xaqiijiyay inay saqdii dhexe Soo saareen Warsaxaafadeed dheer oo ay ku cadeeynayaan moowqifkooda siyaasadeed ee ku aadan ka qaybgalka wada hadalada Jabuuti ka furmay. Warsaxaafadeedka ay Isbaheysiga dib u Xoreynta ka soo saarayeen Casmara ayaa la soo weriyay inay ku cadeeyeen in xubnaha ka jooga Jabuuti aysan metelin,ayna jibiyeen dastuurka u degsan oo qodob ka mida dhigayo inaan dowlada federalka wada hadal lala geli Karin inta ay dalka joogaan gumeysiga Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen Sida ila xog ogaala u sheegeen Codka Mudug qodobada Warsaxaafadeedka Casmara waxaa ay soo saarayeen ayaa ka koobanaa shan qodob oo kala ah:- ¨ Inay si buuxda oo sharuud la’aana uga baxaan Ciidamadda Itoobiya dalka Soomaaliya ¨ Inaan dalka Soomaaliya la keenin Ciidamo shisheeye oo aysan dadka Soomaaliyeed raali ka ahayn ¨ Kooxaha shacabka rayidka laayayna waa in si deg dega Maxkamad loo saaro ¨ Dowlada Itoobiya waa inay bixisaa magdhaw dadka Soomaaliyeed ee ay dileen - Beesha Caalamka waa in sida ugu dhaqsaha badan gurmad ula soo gaaraan dadka dhibaateysan ee ay dhibaateeyeen gumeeysiga Itoobiya iyo kooxda ku tiirsan ee maqaarsaarka Federalka sheegta. Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo Warsaxaafadeedkooda la sheegay inay faafiyeen Maanta waxay ku sheegeen in Wadaniyiinta naftood hurayaasha Soomaaliyeed guulo waaweyn ka gaareen dagaaladii ay la galeen Itoobiyaanka,waxayna dhinaca kale xusen in cadawga Soomaaliya ay arrintaas darteed Isbaheysiga ugu yeerayaan wada hadalo ay la galaan dowlada Federalka sida ay warkooda ku sheegeen.
CKG114@hotmail.com ( T.F.F) |
|
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||