Shirkadda Xawaalada Hodan
Goloobal Ayaa Maanta Guddiga Abaaraha Gal Mudug
Guddoonsiiyay Deeq Lacaageed Oo Dhan 5kun Oo
Doolarka Mareeykanka Ah
Gaalkacyo
Talaado 15/4/2008 (ICM)(codkamudug.com)
Deeqdaan
oo ay ku deeqday shirkadda Xawaaladda ayaa lagu
qabtay Xarunta Shirkaddaasi ee Magaalada
Gaalkacyo.
Wakiilka Xawaaladda Hodan Galoobal ee gobolka
Mudug iyo Guddoomiyaha Abaaraha ee dowlad
goboleedka Gal Mudug Cumar Suuri oo
munaasabaddaasi ka hadleen ayaa xuseen qaabka
deeqdaani loo soo qorsheeyay iyo faa’ida ay u
leedahaya dadka abaaruhu Saameeyeen,
Masuuliyiintaan ayaa waxaa kaloo ay ka warameen
sida luugu baahan yahay in loo sii xoojiyo
taakulaynta nuucaasi ah.isagoo guddomiyaha
Guddiga Abaaraha GAL Mudug Cumar Suuri uu
Xawaaladda hodon gobolobal ujeediyay ammaan iyo
bogaadin aad u heer saraysa isagoo ka codsaday
shirkadaha iyo xawaaladaha la midka ah in ay ku
daydaan oo ay ka qayb galaan taakulaynta dadku
abaaruhu ku habsadeen.
Gudoomiyuhu wuxuu intasi raaciyay inuu sidoo
kale amaan gaar ah u soo jeedinayo jaaliyadaha
dibadda sida jaaliyadda Canada, Isagoo sheegay
In sidoo kale jaaliyadaha ku dhaqan Maraykan iyo
Ingiriisku ay hadda bilaabeen dhaq dhaqaayadooda
ku aadan ka qayb qaadashada Musiibadan.
ugu danbeyntina gudoomiyuhu wuxuu ilaah ka
rajeeyay in uu Musiibadan ka qaado Umadda
somaliyeed meel kastoo ay joogto.
cgk114@hotmail.com (T.F)