Sunday, 20. April 2008
Islamic Links
SOMALI LINKS
Qybtii Koowaad Ee Qaybinta Rashinka Gudiga Abaaraha Galmudug
Socdaalka gudiga abaaraha oo ku wajahnaa qaybinta raashin ay soo aruuriyeen dadwaynaha soomaaliyeed ayaa waxa ay socotay mudo kabadan 24 saac
Gudiga abaaraha ayaa raahsinkaan ka qaybiyay dhowr jiho oo ka tirsan gobolada mudug iyo galguduud
Xubino kamida gudiga abaaraha oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gudiga abaaraha galmudug cumar suuri ayaa qaybinta raashin kaan waxa ay kabilaaben tuulooyin dhinaca qorax udhaca ka xiga dagmada bandiiradlay
Tuulooyinkaan ayaa waxaa kamid ahaa dhardhaar, tuulo qorax, laan waalay, iyo goolale hal kaasoo ay kusugan yihiin dad mudo kabadan Hal sano ku go’doon sanaa tuulooyinkaas sababo laxiira abaaraha oo dhamaanba ka laayay xoolahooda
Deeqdaan raashin kaa ayaa isugu jirtay sokor, bur,caleen, timir, iyo saliid ,
Tuulada dhardhaar oo ay ku noolyihiin qoysas gaaraya 200 oo qows ayaa gudigu waxa uu u qaybiyay raashinkaan ilaa 80 qows oo ahaa kuwa ugu liita
Tuulada lagu magacaabo tuulo qorox waxa ay kamid tahay tuulooyinka ay kusugan yihiin qowsaska ay abaarahu saameeyeen waxaana gudigu uu deeqdaan siiyay ilaa 70 qows oo kamida qowsaska liita oo xoolahoodi ay abaaruhu ka laayeen
Laan waalay waa tuulada ugu daran ee ay abaaruhu baabi'yeen waxaana ku nool ilaa 75 qows waxaana uu gudigu deeqda raashinkaa siiyay 70 qows oo ah kuwa ay abaaruhu nabaad guuriyen xoolo hoodi
Tuulada gowlale oo ah tuulo wayn dhisma ahaan dad keeduna uu kayar yahay 25 qows ayaa gudigu waxa uu raashinka siiyay 20 kamida qoysaskaas
Waxaa jira qoysas tira yar oo ayaguna xoolahoodii ay baa bi’iyeen abaarahu kuwaasoo kunool afka hore ee laga galo deegaanka bandiiradlay kuwaas kalena gudigu wuxuu iyagana siiyay raashin kaan laga soo aruuriyay dadwaynaha soomaaliyyed kuwa haysta hantida iyo kuwa aan hantida haysanba
Dhinaca kale deegaanada gudigu uu ka qaybiyay raashinkaan ayaa ah kuwo ay ka go’een biyahii una baahan in si dag daga loo gaar siiyo biyo
Anigoo ah wariye axmed qaliif kana mid ahaa gudigii abaaraha ee ubaxay tuulooyinka dhinaca qorax udhaca kaxiga dagmada bandiiradlay gaar ahaan tuulada laan waalay ayaa wax yaabaha aan ka naxay waxaa kamid ahaa markii aan arkay wiil 10 jira oo in dhala kaasoo hooyada dhashay ay ii sheegtay in in dhihiisa ay tureen baahi iyo nafaqo daro
Tuuladaas waxa uu gudigu ka waayay mar aan ku hoyanay casho xataa nuskiilo digira taa soo ah mid laga naxo
Waxaa jira odayaal da’ ah oo abaaraha iyo baahida awgood uu ugu dhacay cudurka gaaska kuwaasoo anana haysan daryeel caafimaad.
xubnaha gudiga ayaa waxaa kamid ahaa qaar kamida shaqaalaha is bitalka koofuta gaalkacyo ku waasoo soo qiimeeyay xaalada caafimaad ee tuulooyinkaas
qoysas kaas reer baa diyahaa ayaa waxa ay cabi jireen 6 bil kahor biyo xareeda oo ugu jiray qaar kamida baraagaha in kastoo hada ay san jirin wax baraaga oo biyo ay ku jiraan taasoo keentay in dadka iyo xoolahu uu u baaba’o oon waxana dhamaan qalalay dhirtii kutaalay halkaas majiro halgeed oo qoyan oo xoolahu ay cunaan ama ay daaqaan.
ugu dambaytii qoysaskii loo qaybiyay raashin kaan ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad xad dhaafa iyagoona umahad celiyay gudiga abaaraha Galmudug
ugu dambeentii xubnaha gudiga abaaraha ee rashinka ka qaybiyay tuulooyinka aan sooxusay ayaa waxaa kamid ahaa
1gudoomiyaha gudiga abaaraha gal mudug cali baashi
2 xil dhibaan caanood
3 ganac sade cabdi shakuur
4 mursal xaashi shir wac
5 cabdi goodle oo dhinaca caafimaadka ka socday
6 warye axmed qaliif geedi oo katirsan wariyaasha codka mudug Radio
Wariye axmed qaliif gedi
Axmedqaliif200@hotmail.com
Gaalakcyo tell.649135
Codkamudug.com© 2007 All rights reserved. By Yaxye(Macruuf)