Guddiga Abaaraha
Gal Mudug Oo Soo Bandhigay Warbixin La Xariirta
Macaawinada Soo Gaartay Iyo Meelaha Ay
Gaarsiiyeen.
Gaalkacyo Arbaco
22/4/2008(ICM)(NEWS)
Guddiga
gurmadka abaaraha dowlad goboleedka Gal Mudug
ayaa sheegeen in ay macaawino qaybintii ay
dhowaan ka fuliyeen ay gaarsiiyeen dadka ku
dhibaataysan ilaa 45 tuulo oo ka kala tirsan
hoosna yimaada degmooyinka
Galliinsoor.Bandiiradleey iyo Dagaari kana kala
tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud
Macaawinadaan
ayaa guddigu sheegay in ay isugu jirtay nuucyo
kala duwan oo quutul daruuri ah ayna ku
ammaanan yihiin qaar ka mid ah shirkadaha ,
Hay,daha samafalka wadaniga .ururrada bulshada
gobolka Mudug iyo Jaaliyadda dibadda gal Mudug.
Qaarkood.
Guddoomiye ku xigeennada iyo xoghayaha Guddiga
gurmadka Abaaraha Dowlad goboleedka gal mudug oo
kala ah Axmad Maxamuud Xasan (Baasto).Cabdinuur
Axmed Kullane iyo Cal-baashi Faarax Cali ayaa
sheegeen In dhaqaalaha dibadda iyo gudaha
dalka ay taakulayn ahaanta wax u qabashada dadka
abaaruhu haleeleen guddigana soo gaartay ay dhan
tahay $ 39.680 (39 kun.lix boqol iyo sideetan)
doolar taas oo ay inteeda badan kala bixiyeen
dhinaca dibadda Jaaliyadda gal Mudug ee
Maraykanka $ 11 kun oo doolar..Jaaliyadda gal
mudug ee Kanada $ 9 kun oo doolar iyo Jaaliyadda
Gal Mudug ee Iskandaneefiyaanka oo bixisay $ 6
kun oo doolarka Maraykanka ah..
Guddoomiye ku xigeennada iyo xoghayaha guddiga
gurmadka Abaaraha dowlad goboleedka Gal Mudug oo
habeenkii xalay ka qayb qaadanayeen barnaamijka
todobaadkiiba jeer ka baxa idaacadda Codka
Mudug ee falanqaynta caawa iyo codka Mudug ayaa
soo bandhigayeen baahida jirta iyo waxqab ahaan
waxa ilaa iyo hadda uga qabsoomay guddigaasi
howshii gargaar gaarsiinta dadka ku abaarsaday
deegaannada Gal Mudug iyagoo ammaan u jeediyeen
shirkadaha xawaaladaha Hodon Global oo ku
deekhday $ 5 kun oo doolar iyo shirkadda dahab
shiil oo iyaduna dadka abaaraha ku taakulaysay $
1000 doolar.
Axmed
Maxamuud Xasan (Baasto) Cabdinuur Axmed Kullane
iyo Cal-baashi Faarax Cali ayaa waxaa kaloo ay
ammaan u jeediyeen shaqaalaha iyo maamulka
isbitaalka koofurta Gaalkacyo.Hay,adaha
wadaniga SCDO.iyo SDRO,Dugsiyada Magaalada
Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Gal Mudug..oo ay
sheegeen in ay qayb wax ku ool ah ka gaysteen
taakulaynta dadka abaaruhu halakeeyeen.iyagoo
ammaan aad u sarraysana u soo jeediyeen
idaacadda codka Mudug
Guddigaan
oo sheegeen in deg deg loogu howlgalayo sidii
gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan
deegaannada kale ee ay abaartu saamaysay ee Gal
Mudug oo ay ugu soo horsayo deegaannada u
dhaxeeya waddada laamiga ah ee Gaalkacyo iyo
Cadaado isku xirta iyo deegaannada waddada
hobyo ka jirta dhinaca laamiga ayaa dhaliisha
ka sakoow ka codsadeen Ganacsatada gobolka Mudug
iyo jaaliyadda dibadda ee aan wali gacanta ka
gaysan wax u qabashada walaalahooda dhibaataysan
ay sida ugu dadaalka badan taakulayn wax ku ool
ah ugu soo shubaan akoonnada loo furay
taakulaynta Abaaraha ee ka kala furan shirkadaha
xawaaladaha qaarkood.
Warbixinta iyo su,aalaha arrimahaan la
xariira oo muddo hal saac ah ka socdeen
idaacadda codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo
ayaa waxaa kaloo qadadka taleefoonnada uga soo
qayb galeen qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada
Gaalkacyo oo muujiyeen taageerada ay u hayaan
gargaar u fidinta dadkaasi Dhibaataysan iyo ku
taageeridda howlaha ay hayaan guddigaasi.
Diyaariye:
Cilmi Kulan Geeddi
addarees ckg114@hotmail,com
or
tel 002521-361515/002525-783799.
Ckg114@hotmail.com.