|
Sunday, 27. April 2008 |
![]() |
|
|
|
|
|
|
Maaamulka gobolka xiriir iyo
wax garadka deegaankaasi ayaa baaq codsi gacan ka gaysasho dhibaatooyinka
biyo la,aantu ugu horrayso u soo gudbiyeen maamullada dalka ka jira iyo
Jaaliyadaha dibadda Gaalkacyo/Galdogob/Khamiis 23/4/2008(ICM)(News) Guddoomiyaha gobolka xiriir ee dowlad goboleedka puntland enj Maxamed Mursal Xaashi iyo waxgarad kale oo kala tirsan maamullada Galmudug iyo puntland ayaa qaylo dhaan ka soo saareen dhibaatooyinka abaaraha gaar ahaan biyo la,aanta ka jirta deegaannada la xariira gobolka Xariir iyo xaruntiisa Gal dogob. Guddoomiyaha iyo waxgaradkaan kale oo maalinnimadii Arbaca ahayd taariikhduna ahayd ku shireen xarunta Magaalo Madaxda Gobolka Xiriir ee Galdogob ayaa waxaa ay Idaacadda codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo ay kula soo xiriireen khadka isgaarsiinta ,iyagoo uga warameen dhibaatooyinka abaaraha heerka ay gaarsiisan tahay ayna u saamaysay nolosha xoolaha iyo dadkaba iyo sida loogu baahan yahay in gurmad deg deg ah loo galo sidii loo badbaadin lahaa noolaha ay biyo iyo baad la,aantu ku hayso gobolka xiriir iyo deegannada la xariira. Guddoomayaha Gobolka Xiriir Ing Maxamed Mursal Xaashi iyo odayaasha ay magacyadoodu kala yihiin Axmed cabdi casiis garraani. macalin Cabdi Cali, Iimaan Maalin Guur,iyo Nuur cismaan Diiriye {Raadiye}ayaa sheegeen in haddii aan si deg deg ah gurmad loola soo aarin dadka iyo duunyada halkaai ku dhaqan ay noloshoodu halis ku jirto Inj. Maxamed mursal xaashi gudoomiyaha gobolka xiriir ayaa codka mudug si gaar ah ugu sheegay warbixinno muujinaya abaarta ka sakoow waxyaabaha sababay biyo la,aanta oo ay ka mid yihiin in ceelashii biyaha matoor ahaanta loogaga cabbi jiray iyo kuwii gacmeedkuba ay noqdeen wax matoorradii ka jabeen iyo kuwo biyihii ka gureen iyo waliba dadaalka ay masuuliyiinta gobolkaasi ugu jiraan in si gurmad ah 24ka saac ee soo aaddan ay ku doonayaan in inta badan deegannada gobolkaasi ee biyo la,aanta ba,ani ay ka jirto ay biyo booyado iyo baabuur fuustooyin la saaray loogu gaar siin lahaa. Guddoomiye Ing Maxamed Mursal Xaashi iyo Waxgarka kale ee ka soo kalana jeeda dowlad goboleedyada Gal Mudug iyo Puntland ee ku sugan xarunta Gobolka Xiriir ee Galdogob ayaa ka codsadeen maamullada Puntland iyo Gal mudug.kuwo Dowladda federaalka iyo Jaaliyadda dibaddaba ka codsadeen in dhinacooda ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaataysan gobolka Xiriir iyo degmooyinka hoos yimaada.
Diyaare Cilmi Kulan Geeddi Ckg114@hotmail.com(TF)
|
|
|
|
|||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||