|
Masuliyiinta
maamulka gobolka mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu
horaysay 2 habeen kadib ka war bixiyay howl galo baaxad leh oo ciidamada
boliiska Puntland ay kabilaabeen habeen kahor xaafadaha waqooyi ee m/gaalkacyo
oo ay mudooyinkii dambe ay kajireen falal amaan dari ah oo dareen
naxdin leh galiyay shacacka waqooyi ee magaalada kadib markii caadiyan
ay kanoqdeen dilal jogtaa iyo qaraxyo waawayn oo dad ay kudhinteen.
Gudoomiyaha gobolka mududg ee maamulka
Puntland Daahir Cabdulqaadir (axmed daahir aflow) oo u waramayay
Idaacad Codkamudug ayaa ku tilmaamay ujeedada howlgalkaasi in lagu
xaqiijinayo amaanka magaalada kulamo in mudaa socdayna ay ka yeesheen
saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta maamulka Puntland.
Daahir Aflow ayaa xaqiijiyay in
ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen labadii habeen ee uu howl galkaas
socday tiro dad ah oo lala xariirinayo qaarkood kuwo hormuud u ahaa
amaan darida m/gaalkacyo laguna qabtay iyaga oo sita hubka nooc yadiisa
fud fudud iyo maandooriyaha loo yaqaano xashiishada.
Howl galkaan oo
baaxdiisu ay tahay mid balaaran ayaa u muuqda mid boorka looga jafayo
habac sanaan baahsan oo mudooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay
ciidmada Puntland iyo qilaaf soo kala dhex galayay saraakiisha ciidamada
Puntland iyo ilaalada xabsiyada magaalada qaarkood oo maxaabiis fara
badani ay ka baxsadeen dhowr jeer oo hore inkastoo gudoomiyaha gobolka
mudug ee maamulka Puntland uu sheegay inaysan jirin habac sanaan kutimid
ciidamada boliska Puntland.
Ugu danbeyntii Howl galka boliiska
Puntland ay ka wadaan xiliyada habeenkiiya xaafadaha
waqooyi ee m/gaalkacyo ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland waxa ay
sheegeen inuu socon doono tan iyo inta lasoo celinayo amaanka
Ahmed Khalif Geedi
+25290-649135
COdkaMudug Galkacyo
GalMudug State SOMalia |