|
Waxaa aad u so hagaa gayey ammanka guud ee
magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Dowlad gobalaadka Galmudug
Todabaadkii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo roonaanayey nabad galyada
magaalada Gaalkacyo gaar ahaan deegaanada Galmudug kadib markii
Ciidamada Boliska isku howleen iney wax qabtaan ammanka magaalada
Gaalkacyo taasoo yareysay dilalkii loogeysanayey dad weynaha iyo dhaca
yar yar ee loo geysto dadka Rayidka ah.
Hasa ahaatee
waxaa jira dhac loo geysanayey dadweynaha qaarkood xiliyada habeenkii ah
iyadoo lagana qaadanayo lacagaha iyo Telefonada gacanta lagu qaato.
Faadumo Xaashi Cali oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada
Gaalkacyo ayaa waxa ay aad uga cabaneysaa dhac ay ugeysteen kooxo burcad
ah ayna kaqaateen Mobile xilli ay ku sugnayd bartamaha magaalada
Gaalkacyo sida ay uxaqiijisay Idaacadda Codkamudug Radio.
Dhinacakale waxaa magaalada Gaalkcyo Rondo kawaday Ciidamada Boliska
Galmudug iyadoona lagu sugayey qala laasaha iyo amni darada kajirtay
qeybo kamid ah magaalada iyadoona Rondo taalamid ah ay bilaabeen
Ciidamada Boliska Puntland kadib markii ay ka dhaceen dilal iyo qaraxyo
ay dad ku waxyeeloobeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Kooxada
burcadda ah ayaa u qowleysi taga Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo
iyagoo ka faa’ideysnaya wada shaqeynla’aanta kadhexjirta labada maamul
ee kawada arimiya magaalada Gaalkacyo.
Tahliil
Xasan Ismaaciil
Qore C/waaxid macalin isaaq
|