Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay, oo lagu caleeemo-saarayay
guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka
dawlad-goboleedka GalMudug mudane Max'ed Salaad
Ducaale, ayna ka soo qayb-galeen masuuliyiin iyo
dadweyne 200 ku dhaw, ayaa maalinnimadii
Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 05/05/08. waxaa
lagu qabtay guriga mudane Max'ed Salaad Ducaale
ee magaalada Gaalkacyo.

Maalinnimadii Sabtida taariikhduna ay ahayd
03/05/08. ayaa Golaha baarlammaanka
Dawlawlad-goboleedka Galmudug waxa uu aqlabiyad
buuxda ah ku doortay guddoomiye mudane Max'ed
Salaad Ducaale.

Xafladdan, oo ahayd mid aad u qurax badan,
ayaa waxaa soo qaban-qaabiyayay xildhibaanno ka
tirsan golaha baarlammaanka Dawlalad-goboleedka
GalMudug, oo ay ugu horreeyeen xildhibaan Axmed
Dheere iyo xildhibaan Sh. Cali Gaab. waxaana
xiriiriye ka ahaa xafladda Calideeq Max'ed
Xaashi.

Sh. Muxyaddiin Yuusuf Barre ayaa xafladda ku
furay aayado qur'aan ah iyo wacdi diini ah, oo
aad ay ula qushuuceen ka-qayb-galayaashu.
wuxuuna Sh. Muxyaddiin carrabka ku dhuftay
xaaladda halista ah ee ay Soomaaliya marayso
wakhtigan. "waa in lagu baraarugaa ay maanta
dalka ka jiraan 3 cadaw oo umadda Soomaaliyeed
ay leedahay. waxayna kala yihiin cadaw diimeed,
cadaw jiritaanka Soomaaliyeed iyo cadaw dad gaar
ah lagu baabbi'nayo!". ayuu yir Sh. Muxyaddiin
Yuusuf Barre. wuxuuna ugu baaqay dadka reer
GalMudug midnimo iyo feejignaan.
Ka dibna waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay
guddoomiyaha cusub ee golaha baarlammaanka
GalMudug mudane Max'ed Salaad Ducaale., oo Sacab
badani uu u dhacayay. wuxuuna guddoomiyuhu
halkaas ka soo jeediyay qudbaddiisii u horraysay
ee uu meel fagaare ah ka jeediyay sidii loo
doortay. wuxuuna ugu horraynba salaan iyo
mahad-celin u soo jeediyay
ka-soo-qayb-galayaashii xafladda. isagoo
mahad-naq gaar ah u soo jeediyay xubnaha golaha
baarlammaanka ee Dawlad-goboleedka GalMudugiyo
golaha guurtida ee Dawlad-goboleedka GalMudug.
isagoo yiri "waxaan sidoo kale salaan u diryayaa
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka
Dawlad-goboleedka GalMudug, oo dalka dibaddiisa
ku maqan. waxaan sidoo kale salaan u dirayaa
dhammaan shacabka GalMudug ee dalka gudihiisa
iyo dibaddiisaba kala jira".

Mudane Max'ed Salaad Ducaale ayaa sheegay inuu
ugu shaqayn doono shacabka GalMudug si daacad
ah. wuxuuna ballan-qaaday inuu golaha
baarlammaanka ku hoggaamin doono si waafaqsan
dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug. wuxuuna
sheegay in dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug
uu waafaqsan yahay shareecada Islaamka. wuxuuna
guddoomiyaha baarlammaanku ka codsaday shacabka
GalMudug ee gudaha iyo dibadda inay hiil iyo
hooba ku taageeraan dawlad-goboleedkooda
GalMudug.
Mudane Max'ed Salaad Ducaale ayaa intaas ku
daray inuu ka shaqayn doono sidii loo xoojin
lahaa midnimada shacabka GalMudug. islamarkaana
loo ballaarin lahaa Dawlad-gowlad-goboleedka
GalMudug. wuxuuna baaq nabadeed u jeediyay
dhammaan ummadda Soomaaliyeed. isagoo yiri "
waxaan ku baaqaynnaa in la joojiyo colaadaha.
laguna dhammeeyo khifaafka wada-hadal"..

Ka dibna waxaa qudbado kala duwan oo iskugu
jiray taageero iyo hambalyo ku socotay
Guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka GalMudug
halkaas ka soo kala jeediyayay masuuliyiin kala
duwan oo iskugu jira Nabad-doonno,
culumaa'u-ddiin, xildhibaanno,wasiirro,
jaaliyadda dibadda, ganacsatada iyo maammullada
gobollada Koonfurta Mudug iyo Hobyo.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee xafladdaas ka
hadashay, oo dhammaantoodba taageeray
guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka
Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa waxay kala
ahaayeen;
1- Nabad-doon Cusmaan Nuur Qayd.
2- Nabad-doon Yuusuf Xaashi Cilmi (Qabax).
3- Nabad-doon Abwaan Max'ed Max,ud Guuleed (Geesey),Guddoomiyaha
Deg. Af-barwaaqo, oo gabay qiimo leh halkaas ka
tiriyay.
4- Macallin Aadan, Guddiga Garsoorka.
5- Axmed-Daahir C/Kariim Nuur, Wasiirka
Maaliyadda GalMudug.
6- Gaashaanle Nuur Qayd, Jaaliyadda Dibadda.
7- Yuusuf Jaamac Ducaale (Ilka-case), Guddoomiye
ku xigeenka guddiga maaliyadda ee GalMudug.
8- Garaad Dhoorre Qoor-weyne, Ganacsatada.
9-C/Laahi Yuusuf Guuleed (Digsi), guddoomiye ku
xigeenka gobolka Hobyo.

Xafladdaas lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha
cusub ee baarlammaanka Dawlad-gonboleedka
GalMudug, oo ku dhammaatay jawi heer sare ah,
ayaa masuuliyiintii kale ee GalMudug ee ka soo
qayb-gashay waxaa ka mid ahaa; dhammaan
Nabad-doonnada Golaha guurtida ee GalMudug,
xildhibaanno golaha baarlammaanka GalMudug oo ay
tiradoodu gaaraysay 16 xildhibaan, 10 ku dhawaad
iskugu jiray wasiirro iyo wasiirro ku xigeenno
golaha wasaarada ee GalMudug iyo qaar ka tirsan
xubnaha guddiyada Garsoor, maaliyadda iyo
Nabadgalyada ee Dawlad-goboleedka GalMudug oo ay
ka mid ahaayeen Guddoomiyaha guddiga maaliyadda
ee GalMudug mudane Cabdul Jaamac Dhaars,
guddoomiye ku xigeenka guddiga garsoor GalMudug
Sh.. Cali-afyare, Taliyaha ciidammada GalMudug
G/Sare C/llaahi Cambarre, Taliyaha dugsiga
Tabo-barka ciidammada GalMudug G/Sare C/Laahi-Cirro
iyo taliyaha Saldhigga GalMudug ee magaalada
Gaalkacyo Gaashaanle Muxyaddiin Max'ed Faare (Daan-yare
Shuuke).

Waxaa kale oo ka mid ahaa ka-qayb-galayaashii
xafladdaas shakhsiyaad magac ku leh bulshada
dhexdeeda. waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha
guddiga Gurmadka Abaaraha GalMudug Prof.
Cumar-suuri, Ganacasade Cali Tooyo, Raage Xaaji
Dhoorre, Eng. C/Kariim Ducaale Geelle,Maryan
Naalleeye, Caasho-Yarey iyo masuuliyiin kele oo
ka kala tirsan ururrrada bulshada rayidka ah ee
GalMudug State.

Sidoo kale waxaa xafladdaas ka soo qayb-galay
qaar ka tirsan saxaafadda gudaha iyo dibadda ee
Soomaaliya. waxaana ka mid ahaa wariyaha caanka
ah ee laanta af-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da
uga warrama GalMudug wariye Faarax Lammaane iyo
agaasimaha idaacadda Codka Mudug wariye Cilmi
Kulan Geeddi iyo wariyayaal kale.
nabadda1@hotmail.com
+25290751239
Calideeq Max'ed Xaashi.
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya
Waxaa kale oo Sawirada Xaflada ka mid ah










Xuuqda Sawirada
Bashiir Max'ed warsame (albashiir)
albashiir88@hotmail.com
codkamudugradio
codkamudug@gmail.com