isku soo bax
ballaaran oo allaah roob loogaga baryayay oo ka
dhacay degmada wisil ee gobolka hobyo.
Gaalkacyo
Arbaco 16/4/2008 (ICM)(codkamudug.com)
Isku soo baxaan
oo ahaa mid aad u ballaaran ayna ka soo qayb
galeen qaybaha kala duwan ee bulshada degmada
Wisil Gobolka Hobyo ee dowllad goboleedka Gal
Mudug ayaa la sheegay in uu socday muddo ka
badan 4 saacadood.
Sida uu inoo
soo sheegay wariyaha Idaacadda Codka Mudug ee
gobolka Hobyo ee deegaannada hoos yimaada
Tahliil Xasan Ismaaciil waxaa isku soo baxaasi
ka soo qayb galay qaybaha bulshada oo ay
hoggaaminayeen masuuliyiinta maamulka ,Culumo
awdiinka.Ardada dugsiyo quraanka ,kuwa
Iskuullada ,odayaasha iyo qaybaha kale ee
degmadaasi..ayaa waxaa laysugu tagay bannaanka
degmada .
Isku soo
baxaaasi ayaa waxaa laga soo jeediyay wacyo
diini ah oo la xariira sida loogu baahan yahay
in Cabsida Allaah loo badiyo lana badiyo ka
baryididda in uu dhibaatooyinka Abaaraha iyo
dhibaatooyinka kalaba.naga qaado.
Wariye
Tahliil Xasan Ismaaciil waxaa kaloo uu inoo soo
sheegay in deegaanno kala duwan ee hoos yimaada
degmada Hobyo ayna ka mid yihiin
Bajeela.Gawaan.Xero dhagaxleey ay ka da,een
roobabka xilliga Guga oo billow ah meelaha ay ku
da,eenna ku kala badan.