Gudiga gurmadka abaaraha dawlad goboleedka
galmudug satate oo deeqo gaarsiiyay deegaano ka
tirsan mudug iyo galgaduud oo ay abaaruhu
samaameyeen.
Gaalkacyo Arbaco
22/4/2008(ICM)(NEWS)
Daawo Sawiro Murugo leh
Waxaa
18/4/08. maalinimadii jimcaha magaalada
gaalkacyo ka anbaxbaxay xubno Iskugu jira
guddiga gurmadka abaaraha galmudug,Culimo udiin,
dhaqaatiir, iyo wariyaal ka socday qaybaha
warbaahinta
Wafuudaasi
balaaran ayaa waxaa ujeedkoodu ahaa sidii ay
deeeqo kala duwan u gaarsiin lahaayeen dad iyo
duunyo badan oo ay abaaruhu ku saameeyeen
deegaanda mudug iyo galgaduud waxaana
deegaandaas loo raray gawaari ay saarnaayeen raashin
iskugu jira bur,sonkor,saliid,timir, iyo caleen
ah iyo waliba booyado biyo ah
Guddiga ka
socday gurmadka abaaraha ayaa bixitaankooda
gaalkacyo waxaa sagootiyay mas’uuliyiin ka
tirsan dawlad goboleedka galmudug uuna ka mid
ahaa kusimaha madaxweynaha mudane C/Zamad nuur
guuleed iyo saraakiisha booliska galmudug oo uu
horkacayay Clo. Max’d nuur cali gadaar
Guddiga ayaa
ukala baxay sedex jiho oo kala ah tuulooyinka
hoos taga dagaari ,kuwa hoos taga bandiiradley,
oo ka wada tirsan gobolka mudug iyo qaybta kale
oo aaday deegaanda baadiyaha ah ee dhanka
waqooyi ka xiga deegaanka galin soor ee gobolka
galgaduud.
Dhamaan
gudiyadaas oo ay la socdeen wariyaal war
baahinta ka socday codkamudug ay ka mid tahay
ayaa xunbaha deegaanka galin soor aaday oo
anigoo cabdlla M.Cabdille ah la socday waxaa
masuuliyiintii aan la socday ay kala ahyaayeen
1:C/Nuur Axmed
Kulane {fiqiajano} oo wafdiga hogaamianayay.
2:C/kariin
Max’d cilmi {inkir}
3:D.r.Max’d
Cabdi Axmed Agaasimaha isbitlaaka k/gaalkacyo ee
galmudug.
4:Cawaale oo
ahaa darawlka gaariga noo waday
Waxaan magaala
gaalkacyo ka anbabaxnay maalinimadii jimcaha
10:30 ee barqanimo
Waxaan casar ah
3:30 gaarnay deegaanka glin soor ee gobolka gal
gaduud oo saacado joognay waxaan halkaasi kulan
kula yeelanay odayaasha iyo wax gardka deegaanka
galin soor aydoo masuuliyiina guddiga gurmadka
ka socotay iyo odayaashu ka wada hadleen sida
ugu hoboon ee deegaanda miyiga ah loo gaarsiin
ka ro deeqaha dadka reer galmudug ee dalka iyo
dibadda jooga iska uruuriyeen ay gudiguna
wadeen kulanka oo mudo yar socday waxaa la isla
falan qeeyay qaabka loo gaarsiin karo deeqaha
waxa ayna odayaasha deegaanku soo bandhigeen
goobaha ay abaaruhu saameeyeen ee deeqdaasi lala
gaari karo walaw aysan ahayn deeqdu mid kaafin
karta hadan dhiig joojin u noqon karta dadkaasi
dhibaataysan oo mudo ka badan laba sano abaaru
saamaysay.
Waxaana la
go’amaiyay in sedex meelood toolooyinka hoos
yimaada lagu hor mariyo deeqda deeqaas oo kala
ah
1:Miir Cawleed
2:Deeqlo
3:Kaxandhaale
iyo toolooyin
hoostaga oo aad ufara badan
Sidoo kale
waxaa jirta in hay’adda ICRC ay meelo badan o
oak mid ah mudug iyo galgaduud biyo dhaamin ka
waday mudooyinkaan waxaase guddiga gurmaka
abaaraha galmudug sadex meelood u direen ilaa
8booyadood oo biyo ah meelhaas oo kala ah
1:xanan waylood
2:Qorof
3:Bacaha waana
meelo aysan hay’adda ICRC aysan biyaha gaarsiin
kana tirsan gobolka galgaduud
Waxaana
booyadaas biyaha ah bixiyay shirkadda xawaaladda
dahbashiil gduigaasna u wakiilatagay sida uu xii
xaqiijiayay C/Nuur Axmed Kulane {fiqiajano} oo
gudiga aaday miyiga galinsoor hogaaminayay
Waxaa ka an
bxabaxnay deegaanka galin soor xli habeen ah
abaaro 7:35 anagoo aadanay halka aan ku
wajhnayan ee deegaanda miyiga w/galinsoor
waxaana galin soor naga raacay oo safarka nagu
wehliayay cali saciid indhakorey oo ah madaxa
samfalada ha’adaha degmada galin soor iyo macali
daahir jaamac mataan
Dhamaan
deegaanda aan socdaalka ku soo marnay ayaa waxaa
ka jiray abaar aad udaran oo saamayn balaaran ku
yeelatay daka iyo duunyadaba in kastoo aana arag
naloona sheegin dad gaajo udhintay balse waxaynu
soo argnay kuwo qarka usaaran geeri maadaama ay
xoolihii ay dhaqan jireen ay ka baabieen aysan
ahysan gaadiid xitaa ay biyo ku soo qaataan
Xaawo cali
geele waa hooyo degen tuulada laama dheere waxa
ay iis eegtay in 170 neef oo ari ah iyo 3rati oo
gaadiid u haa ay ka dhintay kadib saameyn ay
abaaruhu ku yeesheen waxaan xiligaas ay xaawo
aqal soomaaligeeda hareerihiisa yiilay in
kabadan 50neef oo ari ah baqtigood iyo qaar inta
la bireeyay haragga kaliya lagala baxay si iib
loogu raadsado waxaa sidoo kale u haray sida ay
ii xaqiijisay xaawo 20neef oo ari ah walibana
qaarkood ay liiteen inha haygana aan ku soo
arkay.
Duleedka dulada
miircawleed wiil yar oo aan kula kulmay isga oo
laba neef oo geel ah la jooga magaciisana ku soo
gaabiyay aadan waxa uu ii sheegay in geela uu ka
soo raacay tuulo la yiraah laama mareer oo
baadiye ah waxa uu yiri “geeleena waxa uu ahaa
22 neef hadana waa 2neef oo liya intii kale waa
baa ba’ay abaartaawgeed” mid ka mid ah 2neef
ayaana xligaas istaagi wayday oo dhulka fadhiday
Taasi ayaa waxa
ay ku tusinaysaa heerka ay abaartu gaartay sida
aad ku arkaysaan sawirada aan ka soo qaadnay
waxaa meelo badan yaala geel iyo ari abaarta u
dhintay
Marka aan usoo
laabno daka waxaa aad uliita caruurta yar yar oo
nafqo dari baahsan ay haysao sida uu safarkaba
noogu xqiijiayay D.r Maxmed Cabdi oo u guur
glayay xaaldda dadka dhibaataysan waxaana
qaarkood ay ku sigan yihiin in ay indho iyo
dhagaga beelaan
Meelaha la gaarsiiyay
deeqaha
1:Gaaska
2:Higlayga
laanta
3:Shabeel Carab
4:Miir Cawleed
5:Cali Saciid
6: Macalin
Khaliif
7:Ceel Muudaan
8: Deeqlo
9:Laama Dheere
Wax garadka iyo
odyaasha deegaanada la gaarsiiyay deeqaha waxa
ay umahd celiyeen gudiga gurmadka abaarha oo
sarfeyn ay horay usameeyeen darteen deeqda
gaarsiiyay dakaas iyo intii ka qayb qaadatay
kaalmada ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadda oo
jaaliyadda galmudug ugu horayso
1:Odayaal ay ka
mid yihiin
2:Yaasiin geele
ducaale,
3:Sheikh maxmuud
4:M.geele,Max’d
warsame {Qoobdheer}
5:Aadan nuur
dagel
6:Maclin faarxa
warsame
Waxa ay duco iyo
mahad celin warbaahinta umarsiiyeen in la
gaarsiiyana codsadeen dhamaan intii ka qayb
qaadatay deeqa taakulaynta daka ay abaatu
saameysay waxa ayna ugu duceeyeen in ILAAH waxa
ay bixiyeen khayr badan ugu badlo ajar iyo
xasaadna ALLE kasiiyo.
W/D/Cabdalla
Max’d Cabdille
CodkaMudug
Gaalkacyo
GalMudug State
SOMalia
Mobil:0025290
752260
Cabdalla45@hotmail.com