Madaxtooyada gal mudug
oo looga dhawaaqay
magacyo
masuuliyiin kala duwan
oo xagga
xukumada iyo
maamulka dowladda hoose
ah .
Gaalkacyo
axad
27/4/2008(ICM)(News)
Xafiiska Madaxweynaha
Dowlad goboleedka Gal
Mudug ee Magaalada
Gaalkacyo oo maanta laga
soo kala saaray 2 xeer
lambar oo kala ah Xeer
lambarka 8 iyo xeer
lambarka 9 iyadoo xeer
lambarka 8 lagu yiri
markuu arkay qodobka
49aad far 2aad ee axdiga
gal mudug,markuu arkay
baahida loo qabo in deg
deg loo soo dhiso
hay.adihii dowladda si
dib loogu soo nooleeyo
adeegga bulshada waxaa
uu soo saaray XEERKaan:
Qodobka 1aad magacaabid
xilal :
Laga
bilaabo 26/4/2008 waxaa
la magacaabay
xubno ka
tirsan maamulka cusub oo
kala ah :
1 Mudane Yuusuf Cabdulle
Ayaanle xeer ilaaliyaha
guud ee Gal Mudug;
2
Mudane Maxamed Xuseen
Cali (Iidle) Xisaabiyaha
guud ee Gal Mudug.
Qodobka
2aad
xeerkaan waxaa uu dhaqan
galayaa laga bilaabo
maanta oo ay taariikhdu
tahay 26/4/2008 waxaana
lagu faafinayaa
warbaahinta dowlad
goboleedka gal
Mudug,waxaana laga
codsaday masuuliyiinta
iyo shacbiga Gal mudug
in ay dhowraan
dhaqanna galiyaan
xeerkaan.
Waxaana ku
saxiixnaa
Mudane Cabdisamad
Nuur Guuleed
Kusimaha madaxweynaha
Gal Mudug.
xeerka lam 9 ee
isla taariikhda
26/4/2008 ayaa lagu yiri
:madaxweynaha dowlad
goboleedka gal mudug
markuu arkay qodobka
49aad.far 12aad ee
axdiga gal mudug ,markuu
arkay baahida loo qabo
in si deg deg ah loo
buuxiyo hay,adaha
dowladda si dib loogu
soo nooleeyo adeegga
bulshada wuxuu soo
saaray XEERKAAN:
Qodobka 1aad
magacaabid xilalka ka
tirsan maamulka dowladda
hoose.
Laga
bilaabo 26/4/2008 waxaa
la magacaabay xubno ka
tirsan maamulka
cusub oo kala ah :-
1
Mudane Maxamed Axmed
Guuleed xogahayaha guud
ee dowladda hoose.
2
Inj Cali
Macallin Xuseen
Agaasimaha waaxda
frsamada
3
Mudane
Yaasiin Sheekh Salaad
Agaasimaha waaxda
Maamulka iyo
canshuuraha.
4
Mudane
Axmed Maxamed
Xuseen
Agaasimaha waaxda
arrimaha Bulshada.
5
& Mudane
Bashiir Khaliif xasan
kaaliyaha Khasnajiga
Dowladda Hoose.
Xeerkaan waxaa uu
dhaqan galayaa
maalinta la soo
saaray
waxaana lagu
faafinayaa qalabka
warbaahinta dowlad
goboleedka gal mdug
Waxaa ku
saxiixnaa Mudane
Cabdisamad Nuur Guuleed
kusimaha
madaxweyaha
gal Mudug