|
|




04:00-04:30
 |
|
|
|
Wariyaha Codkamudug Radio Cabdi Waaxid Macalin
isxaaq |
 |
|
|
|
Wariyaha Codkamudug Radio
cabdalle m.cabdille |
|
|
|
|
QOLKA
TALOOYINKA
GALMUDUG STATE
The President
The parliament Ministries
Regions
Health
Education
Business
Development
--------------
Diinta
Siiro
Muxadarow
Qur'an |
|
|

 HobyoNet.com
 WaagaCusub.com
 HobyoRadio.com
|
|
|
|
Ciyaar kubadda
cagta ah oo lagu maamuusayay 1LUUYO oo ka dahcday garoonka Kubadda Cagta
ee Magaalada Gaalkacyo
Waxaa shalay galab ka dhacay garoonka k/cagta
c/laahi ciise xaafadda wadajir ee magaalda Gaalkacyo ciyaar aad u xiiso
badan dadweyne farabadanna ay u soo daawasho tageen.
Ciyaartaasi ayaa
waxaa lagu maamuusayay 1da luuliyo oo ah maalinkii calanka dalkeena
lasaaray,waxaana halkaasi lagu bixiyay abaalmarino kala duwan.
Kulankaasi xiisaha badnaa ee lagu maamuusayay 1da luuliyo waxaa soo
qabanqaabiyay godoomiyaha isportiga gobolka Mudug ee dawlad goboleedka
gal-mudug mudane Yoonis Xasan Diini.
Waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay afhayeenka dawlad gaboleedka Gal-mudug
Maxamed Axmed (Baasto) iyo mas’uuliyiin kale.
Ciyaartii lagu maamuusayay 1da luuliyo waxa ay dhex martay 2 kooxood oo
kukala ciyaaryay magacyada kala ah; xulka iyo xidigaha.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxa ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay kooxda
xidigaha hogaanka ugu qabatay ciyaarta waxaana madaxa ku saxiixay Daahir
Siciid Axmed (daahir yare).
Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay koox walibana ay badal
samaysay ayaa waxaa mar labaad u suurta gashay kooxda xidigaha in ay
helaan waxaana u saxiixay Maxamed Abshir Warsame (Makalela).
Kooxda ku ciyaaraysay magaca xulka waxa ay qaaday weerar isdabjoog ah
balse uma suurta galin in ay dhaliyaan wax goolal ah.
Dhamaadkii ciyaarta ayaa kooxda xidigaha waxaa mar sadexaad u suurta
gashay in ay layimaadaan gool 3aad waxaana u dhaliyay Maxmed xusein
Dhoore.
Ugu danbayntiina ciyaartii loogu talagalay munaasabadda 1da luuliyo waxa
ay ku soo gabagabowday 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxdii ku
ciyaaraysay magaca xidigaha.
Kooxda xidigahana waxa ay sidaasi ku qaadatay koobkii quruxda badnaa ee
lagu maamuusayay 1da luuliyo.
Nuuradiin Cismaan Maxamed (diini yare).
CodkaMudug Gaalkacyo
nuuradiin5@hotmail.com
|
|
|
|
Keydka
CodkaMudug.Com |
|
|
|