|
Qaraxaan
oo ka dhacay xaafada garsoor ee m/gaalkacyo ayaa lala beeg saday gaari
ay wateen ciidmada boliska Puntland
Qaraxaan oo
ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray 7dii fiidnimo ee
caawa gaari ay wateen ciidmada boliiska puntland oo marayay meel udhow
xarunta dowlada hoose m/gaalkacyo ee maamul goboleedka waqooyi bari
somaaliya ee Puntland
Ciidamada
boliiska puntland ayaa furay rasaas xoogan inkasta oo rasaas taasi
aysan wax yeelo gaysan hadana waxa ay sii kordhisay cabsidii dadku ay ka
dhaxleen qaraxii caawa
Ciidamada qaraxa lala beeg saday
ayaa ahaa kuwa ku guda jiray howl gal xiliyadii habeenkiiya ciidamada
Puntland ka wadaan waqooyiga magaalada galkacyo
Majiraan ilaa iyo haatan cid
sheegatay qaraxaasi waxaase la aamin san yahay inuu qayb ka yahy qaraxyo
xiriira oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay xaafadasi garsoor ee m/galkacyo
iyadoo mudo haatan laga joogo bil qarax ka dhacay meel aan ka fogayn
halka uu caawa qaraxu ka dhacay uuna ka dhashay qasaaro isugujira
dhimasho iyo dhaawac
Ma ahan markii ugu horaysay oo qarax
lala beegsado ciidamada boliiska Puntland waxaana la xasuustaa in
qaraxyo nuucaan oo kalaa horay loogu weeraray fariisimo ciidamada
puntland ay ku lahaayeen gudaha magaalada galkacyo.
Horay ayaa saraakiisha ciidanka
puntland waxa ay sheegeen in falalka isugu jira qaraxyada iyo dilalka
ka dhacaya dhinaca ay ka xukumaan magaalada ay yihiin kuwo lagudoonayo
in lagu wiiqo amaanka deegaanada hoostaga maamulka Puntland
Shabakadda
Warbaahinta CodkaMudug Waa Warbaahin Dhex Dhexaad Ka ah Arimaha
Siyaasadda Dalka SOMaliya Ee IS diidan
Ahmed Khalif Geedi
madaxa
wararka CodkaMudug Radio
Axmedqaliif@hotmail.com
+25290-649135
|