|
Kulan ay
isugu yimaadeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta Idaacadda Codka mudug ayey
wax laga xumaado ku til maameen qoraal lagu soo daabacay websiteka
Dayniile oo uqornaa
Guji Halkan
Kulankaan ay
yeesheen masu’uliyiinta iyo shaqaalaha shabakadda warbaahinta codka
mudug radio ayna kagahadlayeen sidii ay uga jawaabilahaayeen qoraal ku
daabacnaa websedka Dayniile oo sida muuqata uu gud biyey Agaasimihii
hore ee Idaacadda CodkaMudug Cilmi Kulan Geedi oo shaqada laga
joojiayay 10/6/2008 ayaa waxaa ku lifaaqan war been abuur ah oo hawl
wadeenada dayniile ay ku Jaa'ifeynayaan wasiirka war faafinta Dowlad
gobaleedka galmudug Mudane C/qaadir Cali Jaamac {Qalab Xoor}
Idaacadda Codkamudug ayaa la aas aasay 25/7/2006 iyadoona aas aasihii
Idaacadda C/ qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo ku nool UK.uu ugu
talagalay in ay ku shaqeyso dhex dhaxaadnimo looguna adeego bulshada
gobalka mudug oo dahan waxaana wax laga xumaada ah in agaasimihii hore
Idaacadda Codkamudug Cilmi kulan oo shaqada laga jooyiyey kadib markii
uu lunsaday hanti ay laheyd Idaacada iyo musuq maasuq kale oo ka dhan ah
jiritaan ka iyo mustaqbalka warbaahinta cod ka mudug
Agaasimihii hore
ee codka mudug cilmi kulan geedi ayaa si toos ah ugu xadgudbay
shuruucda shaqada iyo sharciga Saxaafadda isagoona Cay, Aflagaado iyo
dacaayad sitoos ah iyo sidad banba ugu gaystay shaqaalaha mutadawiciinta
ah oo in kabadan 2 sano mushaarla’aan ugu adeegayay shacabka
soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka mudug
Cilmi kulan geedi
agaasihii hore ee codkamudug ayaa u adeegsaday aflagaadooyin ka uu
ugaystay aas aasayaasha,maamulka,iyo shaqaalaha idaacada codka mudug
wabsiteka dayniile oo aysan faraxgalin horumar ka iyo waxqabsashada
dadka ku nool deegaanada Galmudug iyo putland
Wabsite ka
dayniile oo intabadan waxyaabo malo awaal ah ka qore guud ahaan
somaaliya gaarahaan deegaanada galmudug iyo putland ayaa laguxasuus taa
qoraal uu si toos ah ugu weeraray horumarinta laga wado deegaano
hoostaga gobalka hobyo sida hirgalinta garoonka hobyo,dayactirka wadada
is ku xirta gaalkacyo/hobyo iyo howlgalinta mustaqbalka gobolka hobyo.
“waxaa waxlaga
xumaado ah in maamul ka wabsite ka dayniile oo ku caan baxay fidno ka
dhex abuur ka dadka ku nool deegaanada galmudug iyo puntland iyo waliba
agaasimihii hore ee codka mudug ay si qaawan ugu been abuurtaan is la
markaana ay dacaayad raqiis ah ugu qoraan wabsidka Dayniile.Com oo aan
ilaalin anshaxa saxaafadda Sida aan ognahay”ayuu yiri madaxa wabsid ka
codka mudug idiris cabdi kariin nuur
Aqoon yahanada ka
soo jeeda deegaanada gal mudug kuna kala sugan gobalada mudug,
galgaduud, iyo banaadir oo uwaramayay barnaamij ka TUSMADA ee ka baxa
idaacadda codka mudug ee magaalada gaalkacyo ayaa qoraalkaa ku
tilmaamay mid been abuur ah is la mar kaana ay u arkaan mid uu shaqsi
gaar ah ka leeyahay u jeedooyin guracan iyagoona ugu baaqay maalmul ka
wabsid ka dayniile in ay raali galin kabixiyaan been abuur kii iyo
aflagaadadii ay Ugaysteen maamulka idaacadda CodkaMudug iyo Website ka
CodkaMudug.com
Shabakadda
Warbaahinta CodkaMudug Waa Warbaahin Dhex Dhexaad Ka ah Arimaha
Siyaasadda Dalka SOMaliya Ee IS diidan |