| Magaalada dhuusamareeb oo saaka dagan kadib dilal xalay ka dhacay |
|
|
|
| Written by codkamudugradio |
| Monday, 25 January 2010 08:23 |
|
Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay su’aalo weydiinayaan nin ay habeenimadii xalay ku qabteen duleedka magaalada isagoo la socday labo kale oo dhalinyaro ah oo ay Maamulku ku sheegeen in xiligaasi ay ku howlanaayeen aasida walxaha qarxa.
Sheekh C/wali oo katirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Wajamaaca oo CodkaMudug u sheegay in dhamaan dhalinyaraasi ay ka soo jeedaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana labada nin ee ay toogteen Ciidamadu ayagoo isku dayey in ay baxsadaan halka kan kalana uu isku soo dhiibay markii ay Ciidamadu ku soo baxeen iyagoo aasaya walxaha qarxa. Hase ahaatee ninka ay Ciidamada gacanta ku soo dhigeen ayaa waxaa uu sheegay Sheekh C/wali in uu tilmaamay dhowr barood oo ay dhigeen waxyaabaha qarxa kuwaasi oo uu sheegay in ay la doonayeen xarumo muhiim u ah Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna. Ilaa iyo hada lama oga dhalinyaradaasi ay Maamulka Culumaa’udiinka ay ku sheegeen in ka soo jeedaan Alshabaa iyo in ay ahaayeen waxaana ay sheegeen in ay su’aalo weydiinayaan ninka ay haatan gacanta ku hayaan iyadoo aan la ogeyn talaabada xigta ee ay su’aalahaasi kadib ku qaadi doonaan. Dhinaca kale waxaa habeenimadii xalay ka dhaqan galay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud bandow ay halkaasi ku soo rogeen Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca. Shidane oo ah Taliyaha Saldhiga magaalada Guriceel ayaa sheegay in bandowgaasi uu si nabad ah ku dhaqan galay islamarkaana Ciidamadu ay habeenimadii xalay qeyb ka qaadanayeen sugida iyo dhaqan galida bandowgaasi, waxaana Bandowgaasi intii uu socday ay Ciidamadu ku soo qabqabteen ilaa 8-ruux iyo baabuur yar-yar oo nuuca raaxada ah. W/D Liba Cajiib Xaaji 0015672660223
|








