Codka Mudug
Banner
munaasiban xariga looga jarayay dayacatirkii masjidka cabdalle iyo cawareere oo manta gal PDF Print E-mail
Written by codkamudugradio   
Wednesday, 27 January 2010 13:45

 

munaasabadani oo xarigga looga jarayey dhamaystirka masjidka cabdalle iyo cawareere ayaa ka dhacday xaafadda wada jir ee m/gaalkacyo gaar ahaan gudaha masjidkaas cusub

 

manaasabadda furitaanka masjidka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumo caan ka ah dalka soomaaliya una badan alsunna waljaamica.

macalin Maxamuud shiiq xasan oo kamid ah masuuliyiinta ugu sar-sarreysa culimada ahlusunna ayaa mar uu ka hadlayey xafladii furitaanka masjidka waxaa uu ka war bixiyay ahmiyadda uu dadka muslimiinta ah uleeyahay dhisidda masjidkaan oo noqday midka ugu ballaaran masaajidda ma/gaalkacyo xagga dhismaha iyo bilicda intaba .

dhaqaalaha ku baxay masjidka ayaa waxaa isna ka waramay mid ka mid ah howlwadeenadii dhismaha waday oo lagu magacaabo Xuseen macaane waxaana uu sheegay in masjidka oo ah waqtigaan mid dhisan intiisi badnayd waxna u hareen ay tahay lacagta ku baxday adduun gaaraya (360,000$)sadex boqol iyo lixdan kun oo doolar waxaana hadda wali qabyaa qeybaha weysada iyo suuliyaasha

masjidkaan ayaa markii hore ahaa masjid qadiiyiya oo dhisnaa muddo ka badan lixdan waxaa dib u dhis ku sameeyay dadka deegaanka kadib markii uu iskiis u dumay waxaana hadda dhamaan laga dhigay shub masjidka cabdalle iyo cawareere aayaana loogu magacdaray oo awal daku uyaqaaneen

 

W/D Liibaan cajiib

Last Updated on Wednesday, 27 January 2010 21:13