| Qarax Miino oo goordhow ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool |
|
|
|
| Written by codkamudugradio |
| Thursday, 28 January 2010 10:18 |
|
Wararka laga helayo Magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo la sheegay in lala eegtay gudoomiyaha gobolka Sool Qaraxaani oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa dhawaqiisa mar qura waxa laga maqlay gudaha Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ee qaraxaasi ka dhashay. Wararka ayaa sheegaya in qarax lala damacsanaa gaari uu la socday gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyadoo aan la ogeyn qasaaraha uu soo gaarsiiyay qaraxa gaarigii lala eegtay. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada Maamulka Laascaanood ee gobolka Sool kuwaasi oo la sheegay in rasaas ay dhinacyada u rideen,waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida ka dambeysa qaraxaasi. Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco codkamudug hadii uu Illaah inoo saamaxo .
|









