| Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Ansixiyey Muddo kordhintii Madaxweyne Caalin |
|
|
|
| Written by codkamudugradio |
| Thursday, 04 February 2010 19:22 |
Kulankani oo ay isugu yimaadeen labo iyo labaatan Mudane oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta kadhacay Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Galkacyo Kulankani ayaa waxaa ay Xildhibaanadu Maanta kaga Doodayeen Mudo kordhin ay hore Golaha Guurtida ugu dhawaaqeen in mudo sadex sano ah uu Xilka hayo Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Galmudug Maxamad Axmad Caalin intii uusocday kulanka ayaa waxaa looga dooday in waqtiga lakordhiyo iyo in loo daayo mudadi lixda Bilood ahayd ee DKM ah somaliya ay ku kala dhax dhaxaadisay Masuuliyiintii is ku heysay Hogaanka Galmudug
dooda Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa Maanta Shir gudoominayey Gudoomiya kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cowke Xaaji C/raxmaan oo ahna siihayaha Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka waxana lasoo jeediyey in Cod Gacantaag ah ay u Codeeyaan Baarlamaanka si loo qaato Codka Aqlabiyadda yeesha.lix iyo toban xildhibaan ayaa ucodeeyey in la kordhiyo mudada uu madaxweynaha xilka haynayo oo saddex sano ah,labo xildhibaana weydiideen halka afar kalena aay ka aamuseen.intaa kadib ayaa Gudoomiya Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug Cowke Xaaji C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay ansixinta Mudada Xil kordhinta 3sano ah Maadaama Tirooyinkii Codadka ay bateen isla markaana ay Baarlamaanku u an sixiyeen In madaxweyne Caalin uu Xilka siihayo Mudada 3daxd Sano ah Cuwka ayaa aad ugu amaanay Baarlamaanka Dar dargalinta shaqo ay hayaan Baarlamaanka Maadaama ay yihiin Golaha Sharci dajinta loongana fadhiyo waxyaabo badan sidaa owgeed kuwa kalana ay dhawaan soo dhameystiri doonaan ayuu yiri Gudoomiya Kuxigeenka Baarlamaanka Mudane Cowke Xaaji C/raxmaan W/d Axmed Qaliif geedi 0015672660223 |






